๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐๐ฅ๐๐๐๐๐ ๐ฃ๐ข๐ฆ๐๐ ๐ค๐๐ฅ๐ ๐ช๐๐ฒ๐๐ ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐ฌ๐ก๐๐๐๐๐ค๐ ๐ซ๐๐๐ซ ๐๐จ๐จ๐ซ๐๐ฆ๐, ๐๐ ๐๐๐ฌ๐ค๐ ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ ๐ ๐จ๐๐จ๐ฅ๐ค๐๐ง๐ ๐ข๐ฆ๐๐๐ง๐ฌ๐ก๐ข๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐ ๐๐๐ฌ๐๐ฑ๐๐ฒ
Boorama,(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa salaadda Jimcaha kala qaybgalay shacabka ku dhaqan magaalada Boorama, gaar ahaan masjid jaamica weyn, waxana uu caddeeyey in ugaas guud ee gobolka Awdal ugaas Cabdirashiid ugaas Rooble ugaas Dooddi uu dalkiisa iman doono.
Madaxweynaha oo ay wehelinayaan guddoomiyaha xisbiga WADDANI, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda gobolka iyo saraakiil kale oo xukuumadda katirsan, ayaa bulshada kula tukaday masaajidka weyn ee Masjid jaamica Boorama, waxana uu salaadda kaddib madaxweynuhu la hadlay shacabka reer Boorama, isaga oo ugu bushaareeyey inuu dhawaan dalka iman doono, qaabka uu u imanayana laga wada shaqayn doono.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu hoosta ka xarriiqay inaanu ugaasku kasii maqnaan doonin dalkiisa iyo dadkiisaba, dhawaanna madaxda dhaqanka iyo xukuumaddu ka wada shaqayn doonaan qaabka uu u iman doono, waxana uu yidhi, โUgaasku dalkiisa iyo dadkiisa ka maqnaan maayo oo wuu imanayaa, sida uu u imanayo iyo sida loo maamuusayana odayaashaanu ka wada shaqayn doonaa waqtiga ku munaasibka ah.โ