








๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐๐ฌ๐ฆ๐ข ๐๐ก ๐ฎ ๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ซ๐ฌ๐จ๐จ๐ซ๐ค๐ ๐๐ ๐๐๐๐ซ ๐๐๐ซ๐๐ง
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta si rasmi ah Hoteel Maan-soor uga furay Shirweynihii 10-aad ee Garsoorka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo sheegay in ay Madaxweyne ahaan Sharaf iyo Xil-gudashoba u tahay ka soo qaybgalka Shirweynaha Garsoorka.
Shirweynaha Heer Qaran ee Garsoorka waxa ka soo qayb galay Madaxda Hay’adaha Garsoorka Qaranka JSL, Guddida Caddaalada, Goleyaasha Qaranka, Hay’adaha Xukuumadda, Garsoorayaal, Xeer-ilaaliyeyaal, Qareenno, Hayโado Caalami ah iyo masuuliyiin kale oo ay khusayso horumarinta hannaanka Garsoorka dalka.
Madaxweynaha oo Shirweynaha ka jeediyey hadal qiimo leh ayaa caddeeyey in Garsoorka iyo Caddaaladdu ay yihiin Tiirarka ugu muhiimsan ee lagu ilaaliyo Sharciga, Xuquuqda Muwaadiniinta iyo jiritaanka Dawladnimada.
Madaxweynuhu waxa uu xusay in kalsoonida ay bulshadu ku qabto Hay’adaha Garsoorka ay saldhig u tahay nabadda, xasilloonida, is aaminka bulshada dhexdeeda, la macaamilka Dunida iyo horumarka Qaranka.
Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah u adkeeyey in Xukuumadda Somaliland ay si buuxda u taageerayso una ixtiraamayso kala madax-bannaanida iyo wada-shaqaynta Saddexda Dhadhaar ee ay ka kooban tahay Dawladnimada JSL, isaga oo sheegay in Xukuumad ahaan ay ka go’an tahay dhismaha Garsoor iyo hannaan Caddaaladeed oo sugan, daah-furan, madax-bannaan, dhexdhexaad ah, isla markaana ku dhisan caddaalad iyo sinnaan, si muwaadin kasta uu u helo caddaalad aan eex lahayn.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sheegay in Xukuumaddu ay diyaar u tahay wax ka qabashada caqabadaha iyo baahiyaha ka jira Garsoorka iyo Caddaaladda.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ku boorriyey bahda Garsoorka iyo Guddida Caddaaladda in ay sii xoojiyaan dhawrista madaxbannaanida Garsoorka, ku dhaqanka sharciga iyo haybadda Garsoorka, isaga oo sheegay in Shirweynahani uu yahay fursad muhiim u ah falanqaynta iyo dib-u-eegista caqabadaha jira iyo dejinta qorsheyaal Qaran oo lagu horumarinayo tayada iyo hufnaanta nidaamka Garsoorka iyo Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland.





