Madaxweyne CIIN beertay

By Cabdillaahi Cawad Cige

Madaxweyne Cirro golihiisa wasiirrada isaga ayaa keensaday. Qurux iyo foolxumo kay yeeshaan cid kale oo loo raacayaa ma jirto.
Wasiirka caafimaadka ee maanta bukaanka cabashada la jalaadaya ku eedeeyay in la ga dambeeyaa, wuxu ka mid yahay xulka madaxweynuhu la soo baxay.
Wasaaradda caafimaadka iyo shaqadeedu kaftan iyo siyaasad midna ma gasho. Caafimaadku waa mid ka mid ah baahiyaha aasaasiga ah ee ay tahay bulsho kasta in dawladdeedu isku daydo daboolisteeda.

Waxa jiray ismaandhaaf dhexmaray wasiirka caafimaadka iyo agaasimihiisa oo dhan ah iyo wasiirkuxigeenkii hore ee caafimaadka.
Wasiirkuxigeenku(Samsam Salah) waxay ahayd qofkii xoogga ku wadday ee dabada ka riixaysay dhaqangelintii Xeerka Caafimaadka Qaranka.

Xeerkaasi waa ka u damaanadqaadaya bukaanka cabanaya in daryeelka caafimaadkooda ay helaan. Xeerkaas oo keli ah ma aha ee Samsam Maxamed Saalax waa qof xirfad iyo aqoon u leh caafimaadka bulshada, lexejeclo badan na u haysa dadkeeda, is la markaa na ay ka go’nayd inay isbeddel muuqda ku samayso hay’adaha caafimaadka ee dalkeeda. Si kale marka loo dhigo waa qofkii ugu habboonaa(xulka wasiirrada) ee noqon lahaa wasiirka caafimaadka.

Ma dhicin taasi ee madaxweynuhu wuxu tixgeliyay arrimo kale, oo qabyaaladi kow ka tahay.

Waxa dabadeed yimid iskudhac wasiirka iyo kuxigeenkiisa dhexmaray.

Ismaandhaafkaas madaxweynuhu wuu ka garnaqay, wuxu na go’aansaday in kuxigeenku, qofkii aqoon iyo karti ba wasaaradda ugu habboonaa, fududdahay in booska la dhaafiyo.

Madaxweynuhu wuxu beertay ciin, waa na kaas caawa haya midhihii u soo go’ay.

Ha u qaadan in Samsam Maxamed Saalax mar keli ah ku dhammayn lahayd baahideenna caafimaad, xaasha, taasi waa hawl aad u adag. Mid se waa xaqiiq in aanay marna ba yeesheen, inay ku dheeldheesho bukaan cabasho u la yimid.
Isbeddelku inuu daacad noqdo uun buu bulshada wax ugu tari karaa, haddii kale waa kud ka guur oo qanjo u guur.