๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐-๐†๐ž๐ž๐ฌ๐ข, ๐€๐›๐š๐š๐ฅ-๐Œ๐š๐ซ๐ข๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐š๐ซ๐š๐ฃ๐จ ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง ๐ค๐ฎ ๐ฆ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐š๐ฒ ๐€๐ฌ๐ค๐š๐ซ๐ข ๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ฃ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐†๐ž๐ž๐ฌ๐ข๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐ ๐๐š๐ซ๐š๐ง

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa billad-geesi, abaal-marin iyo darajo ciidan (Xiddig) ku maamuusay askari ka tirsan Ciidanka Booliska JSL oo muujiyey geesinimo iyo masuuliyad muwaadinnimo, kaddib markii uu gacanta ku soo dhigay gacan-ku-dhiiglihii dilay walaalkii, isaga oo si masuuliyad leh ugu wareejiyey Hayโ€™adaha amniga ee Qaranka JSL, si loo hor geeyo caddaaladda.

Madaxweynuhu waxa uu askari Axmed Geeddi Maxamed oo ka tirsan Ciidanka Booliska JSL, qaybta Gobolka Sanaag ku bogaadiyey tallaabada geesinimada iyo damiirka muwaadinnimo leh ee uu muujiyey, isaga oo tilmaamay in ficilkaasi yahay tusaale qiimo leh oo muujinaya sida uu askarigani u ilaaliyay haybaddii iyo sharaftii direyska uu sito, oo ah ta uu muwaadinku ku aamino askariga Booliska ah.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in geesinimadu aanay ahayn dhiirranaan iyo dagaalka oo aad ku adkaato, balse geesinimada dhabta ahi ay tahay xakamaynta naftaada iyo ka dhawr sanaanta dareenka aar-goosiga marka aad la kulanta xaaladda uu la kulmay askarigan oo tusaalaha wacan u noqday Qaranka JSL, taasoo ahayd in hal mar lagu wada wareejiyey maydkii walaalkii iyo gacan-ku-dhiiglihii dilay.

Madaxweynuhu waxa uu askari Axmed Geeddi Maxamed ku sifeeyey in uu tusaale wacan oo taariikhi ah u yahay dhammaan Ciidamada kala duwan ee Qaranka JSL, taasoo ah si kasta oo uu qofku u wajahayo murugo iyo xanuun shakhsi ah, haddana uu ka doortay jidka sharciga, caddaaladda iyo danta guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambayn, Madaxweynuhu waxa uu bulshada ugu baaqay in ay ku daydaan masuuliyadda muwaadinnimo ee uu muujiyey askarigani, ilaalinta nabadda iyo ixtiraamka Hayโ€™adaha sharciga, isaga oo mar kale Askari Axmed Geeddi Maxamed ku sifeeyey in ficilkiisu uu magac iyo sharaf u yahay dalka, dadka iyo Ciidanka uu ka tirsan yahay ee Booliska oo ah saaxiibka bulshada, taasoo sii kordhinaysa kalsoonida ay shacabka JSL ay ku qabaan Ciidanka Booliska.