Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa saaka booqasho shaqo ku tegay Qaybta Sifaynta Kelyaha ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, halkaas oo lagu soo kordhiyey 12 mishiin oo cusub oo loogu talagalay adeegga sifaynta kelyaha.

Madaxweynuhu waxa uu kormeer ku sameeyey adeegyada cusub, isaga oo warbixin faahfaahsan ka dhegaystay masuuliyiinta Cusbitaalka, isla markaana mid mid u dul istaagay bukaannada ku tiirsan adeegga sifaynta kelyaha, kana waraystay xaaladdooda caafimaad iyo adeegyada ay helaan.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in Xukuumaddu ay si dhab ah uga jawaabtay dareenkii iyo cabashooyinkii bukaannada kelyaha, isagoo xusay in daryeelka bukaannada iyo horumarinta adeegyada sifaynta kelyaha la siin doono mudnaan gaar ah oo ka mid ah siyaasadda Xukuumadda ee horumarinta adeegyada caafimaadka dalka.

Kordhinta 12-ka mishiin ee cusub waxa ay qayb ka tahay fulinta ballanqaadkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ahaa in la horumariyo adeegyada sifaynta kelyaha ee Cusbitaallada dalka, lana xaqiijiyo helitaanka agabka, daawooyinka iyo adeegyada lagama maarmaanka u ah daryeelka bukaannada kelyaha, gaar ahaan kuwa noloshoodu si joogto ah ugu xidhan tahay adeeggan muhiimka ah.

Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku adkeeyey in daryeelka caafimaadku yahay masuuliyad Qaran, isla markaana Xukuumaddiisu ay ka go’an tahay in muwaadin kasta helo adeeg caafimaad oo tayo leh.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sidoo kale tilmaamay in horumarinta adeegyada caafimaadku aanay ahayn oo keliya jawaab laga bixinayo baahida maanta jirta, balse ay tahay dhisidda nidaam caafimaad oo waara, jiilasha maanta iyo kuwa mustaqbalkaba u adeega.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Mishiinnada soo kordhay la gaadhsiin doono Cusbitaallada Boorama iyo Burco, sidoo kalena Cusbitaalka Ceerigaabo mustaqbalka dhaw laga hirgelin doono qaybta Sifeynta kelyaha.

Tallaabadan ayaa ka tarjumaysa himilada Xukuumadda ee ah in horumarka Qaranka lagu cabbiro adeegyada tooska ah ee nolosha bulshada wax ka beddelaya, gaar ahaan caafimaadka, isla markaana raad muuqda oo waara looga tago daryeelka iyo bedbaadada muwaadiniinta.