๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐Š๐จ๐ซ๐ฆ๐ž๐ž๐ซ ๐’๐ก๐š๐ช๐จ ๐Š๐ฎ ๐“๐š๐ ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐‡๐š๐ฐ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐š๐๐š๐š๐ซ๐š๐๐š๐ก๐š, ๐’๐ก๐ข๐ซ-๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ๐ง๐š ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ก๐ž๐ž๐ซ ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐‡๐š๐ฐ๐š๐๐š ๐‰๐’๐‹.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradaha JSL, halkaasi oo uu kula kulmay Wasiirka iyo Masuuliyiinta sare ee Wasaaradda, xadhigana ka jaray dhismayaal iyo adeegyo cusub oo lagu soo kordhiyey Madaarka Cigaal International Airport. Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda, Mudane Fu’aad Axmed Nuux ayaa Madaxweynaha warbixin faahfaahsan ka siiyey hab-sami-u-socodka hawlaha shaqo ee ka socda Madaarka Egal International Airport iyo ta Wasaaraddaba iyo horumarka lagu sameeyey adeegyada Duulimaadyada iyo bulshada ee Madaarka Caasimadda Hargeysa

Madaxwaynuhu waxa uu kormeeray Xarunta Maamulka Hawada Sare (FIC) oo lagu soo xoojiyay qalab cusub oo suurto-galinaya Maamulka Hawada Sare iyo Hagida Diyaaradaha isticmaala marin-haweedka Jamhuuriyadda Somaliland.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, Madaxweynaha waxa uu bogaadiyey Wasiirka, Wasiir-ku-xigeenka, Agaasimaha Guud iyo shaqaalaha Wasaaradda Duulista dedaalka ay ku bixiyeen hagaajinta nidaamka hawada dalka, casriyeynta madaarrada iyo tayeynta adeegyada duulimaadyada, isaga oo xusay in Duulista Hawadu tahay mid ka mid ah laf-dhabarta isku xidhka dalka iyo sumcadda Qaranka ee caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siinayso ilaalinta Madaxbannaanida Hawada Dalka iyo in la dhiso awood farsamo iyo mid maamul oo buuxda, si Somaliland ay si rasmi ah ugu maamusho hawadeeda.

Kormeerka kadib, Madaxweynuhu waxa uu Shir-guddoomiyey Shirka Heer Qaran ee Maamulka Hawada Jamhuuriyadda Somaliland (๐—ฆ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ ๐—”๐—ถ๐—ฟ๐˜€๐—ฝ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฒ ๐— ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ด๐—ฒ๐—บ๐—ฒ๐—ป๐˜ ๐—›๐—ถ๐—ด๐—ต-๐—Ÿ๐—ฒ๐˜ƒ๐—ฒ๐—น ๐—–๐—ผ๐—ผ๐—ฟ๐—ฑ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜๐—ถ๐—ผ๐—ป ๐— ๐—ฒ๐—ฒ๐˜๐—ถ๐—ป๐—ด), kaasi oo lagaga arrin-sanayey arrimo muhiim ah oo la xidhiidha Maamulka iyo Madax-bannaanida Hawada Somaliland, amniga Duulimaadyada, iyo arrinta e-Visa-ha iyo qaabka ugu habboon ee loo horumarin karo nidaamka isgaadhsiinta hawada iyo maamulka Duulimaadyada Caalamiga ah.

Maamulka, maaraynta iyo ka soo talo bixinta arrinta Hawada Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Madaxweynuhu waxa uu u xil saaray Guddi ka kooban WASIIRADDA Duulista Hawada sare iyo Horumarinta Madaaradda, Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Madaxtooyada, Gaashaan-Dhigga iyo Difaaca Qaranka, iyo Garyaqaanka Madaxweynaha.

Shirkaasi waxa laga soo saaray BAYAAN ama WAR MURTIYEED adag oo lagu xaqiijinayo Maamulka Hawada Sare ee Somaliland. Qodobbada Bayaankana waxa ka mid ahaa:

1. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay bulshada Caalamka u caddaynaysaa in Maamulka, Madax-bannaanida iyo Bad-qabka Hawada (Airspace Sovereignty and Safety) ay Somaliland leedahay Hawada Cirka, Dhulka iyo Badda, oggolaanshaha isticmaalkeedana laga qaadan karo oo kaliya Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ee Somaliland, si waafaqsan Shuruucda Qaranka JSL iyo kuwa Caalamiga ah.

2. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay cadaynaysaa in dal-ku-galka ay dhawaan soo saartay Somaliya ee loo yaqaano e-Visa aanu haba yaraatee khusaynin Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana aan dalkeeda lagu soo gali karin (Disapproval of Somaliaโ€™s unlawful eVisa).

3. Laga bilaabo November 10th, 2025, dhammaan Diyaaradaha isticmaala Hawada Sare ee JSL waa in ay haystaan oggolaanshaha isticmaalka Hawada Somaliland, kaasi oo laga qaadanayo Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda JSL

4. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay Beesha Caalamka, (International Appeal) Hayโ€™addaha Caalamiga ah (International Aviation Authorities), Wadaagayaasha Adeegyada Diyaaradaha iyo Duulimaadyada (ICAO, IATA), Qaramada Midoobay ugu baaqaysaa in ay ku baraarugaan dhibaatada ka soo socota Hawada Somaliland iyo Somalia, iyo tallaabooyinka khaldan ee ay qaaday Xukuumadda Somalia, taasi oo ay ku khal-khal gelinayso Maamulka Hawada Sare ee Somaliland, taasoo khatar weyn ku ah Duulimaadyada Rayโ€™idka ah.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si cad u sheegay in Somaliland aanay cidna u daba fadhiisanayn Maamulka iyo Maaraynta Hawadeeda Sare, isaga oo hoosta ka xarriiqay in maamulka Hawada Somaliland ay tahay qadiyad Qaran iyo Astaanta Madaxbannaanida Somaliland.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐