



๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐๐จ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ข๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฅ๐๐๐๐ญ๐๐ฒ ๐ค๐๐๐ข๐ ๐๐๐๐๐ซ ๐๐ก๐๐ช๐ฌ๐ข ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ก๐๐ช๐จ ๐๐ก ๐จ๐จ ๐ฎ๐ฎ ๐ค๐ฎ ๐ญ๐๐ ๐๐ฒ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ฆ๐๐๐ซ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐๐ญ๐
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta dalka ku soo laabtay, kadib safar shaqsi iyo shaqo isugu jiray oo uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta.
Madaxweynuhu intii uu ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta, waxa uu ka qayb galay kulamo Caalami ah, sida shirkii Afrika Debate ee lagu qabtay magaalada Dubai. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu kulamo la yeeshay Ganacsatada iyo Jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dalka Imaaraadka Carabta, isaga oo kala hadlay xoojinta xidhiidhka ganacsi iyo ka maalgashi ee dalkooda hooyo, iyo ka qayb qaadashada fursadaha horumarineed ee dalka Somaliland.
Waxa xusid mudan, mudadii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta, in uu si xooggan uga hawl galay xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ay Somaliland la leedahay dalalka Caalamka, isaga oo kulamo kala duwan oo arintaasi lagu xoojinaayana la yeeshay masuulyiin sar sare.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐






