Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo wefgigii ballaadhnaa ee uu hogaaminaayey oo galay maalintii 4-aad ee Safarka shaqo ee uu ku joogay Gobollada Togdheer iyo Daad-madheedh, ayaa maanta si rasmi ah u Dhagax-dhigay Mashruuca ballaadhinta Dhakhtarka Degmada Oodweyne, kaasi oo lagu kordhinayo adeegyo caafimaad oo casri ah iyo qaybaha muhiimka ah ee lagama maarmaanka u ah nolosha bulshada reer Oodweyne.

Madaxweynaha ayaa sheegay in helitaanka adeegyada caafimaadku ay tahay xuquuq uu leeyahay Muwaadinku, ballaadhintani Dhakhtarka Oodweyne ay qayb ka tahay dedaalka Xukuumadda ee lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka dalka, isla markaana ay si gaar ah u anfici doonto bulshada Gobolka Daad-madheedh iyo deegaannada ku xeeran.

Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Mashruucan Caafimaad uu yahay mid faa’iido weyn u leh nolosha shacabka reer Oodweyne, kaasi oo kor u qaadi doona tayada caafimaadka iyo yareynta dhibaatooyinka bulshada ee dhinaca caafimaadka.

ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland