Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qayb galay Xafladda Qalin-jabinta Jaamacadda Burco, Dufcaddii 15-aad
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ka qayb galay xafladda qalin-jabinta ardaydii Dufcaddii 15-aad ee Jaamacadda magaalada Burco oo ay ka Qalin-jabiyeen in ka badan 600 oo arday, kuwaasi oo dhammaystay waxbarashadoodii heer Jaamacadeed.
Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray ardayda Qalin-jabisay, Waalidiintooda, Macallimiinta iyo Maamulka Jaamacadda, isaga oo xusay in waxbarashadu ay tahay furaha horumarka qof ahaan iyo dal ahaanba. Waxa uu ku dhiirrigeliyay ardayda in aqoontooda ay ugu adeegaan bulshada, dalkooda iyo mustaqbalkooda, isla markaana ay la yimaadaan hal-abuur iyo sidii ay u noqon lahaayeen hoggaamiyeyaal mustaqbal.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa amaanay doorka ay Jaamacadda Burco ku leedahay kobcinta aqoonta, horumarinta tacliinta sare iyo soo saarista aqoonyahanno u adeegaya Qaranka.
Bulshada reer Burco iyo maamulka Jaamacadda ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay ka qaybgalka munaasibadda, taas oo ay ku tilmaameen dhiirrigelin iyo sharaf weyn u ah ardayda qalin-jabisay.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland












































