๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐š๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐—๐š๐Ÿ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐๐š๐ฅ๐ข๐ง-๐ฃ๐š๐›๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐‡๐š๐ซ๐ ๐ž๐ฒ๐ฌ๐š ๐ƒ๐ฎ๐Ÿ๐œ๐š๐๐๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa maanta ka qayb galay Xafladda Qalin-jabinta Dufcaddii 22-aad ee Jaamacadda Hargeysa, halkaas oo khudbad uga jeediyey, ardayda qalin-jabinaysay , isla markaana ku bogaadiyey guusha ay gaadheen.

Madaxweynuhu waxa uu si kal iyo laab ah hambalyo iyo bogaadinba ugu diray ardayda qalin-jabisay, Macallimiinta, Waalidiinta iyo Maamulka Jaamacadda Hargeysa isaga oo ku tilmaamay guushan mid ka dhalatay dadaal, halgan iyo dulqaad dheer.

Dufcadda 22-aad ee Jaamacadda Hargeysa waxa sannadkan ka qalin jebiyey 1355 arday oo isugu jira Shahaadadda heerka 1-aad iyo 2-aad, kuwaasi oo 703 (52%) ay ahaayeen hablo, halka ay innamadu ka ahaayeen 652 (48%).

Madaxweynuhu waxa uu Jaamacadda Hargeysa ku ammaanay doorka muhiimka ah ee ay ku leedahay horumarka iyo u-adeegga bulshada, isaga oo Jaamacadda Hargeysa ku sifeeyey Tiir Qaran oo lagu kobciyo aqoonta iyo cilmi-baadhista, isla markaana ay ka soo baxaan jiilal aqoon iyo xirfad leh oo dalka u horseedi kara horumar waara.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay Barnaamijyada Cilmi-baadhistu u leeyihiin Mustaqbalka Somaliland, isaga oo sheegay in Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ay si joogto ah u taageerayso Mashaariicda Jaamacadaha dalka ee dhinaca Cilmi-baadhista iyo Hal-abuurka aqooneed oo la jaan-qaadi kara hab nololeedka bulshada JSL ee waqtigan casriga ah.

Madaxweynuhu waxa uu ardayda qalin jebisay ku dhiirrigeliyey in aqoonta ay barteen ay ugu adeegaan bulshada iyo Qarankooda, isla markaana ay kaalin muuqata ka qaataan horumarinta dalka, abuurista shaqooyin iyo hal-abuur cusub oo wax ka beddeli kara caqabadaha haatan horyaalla dhalinyarada Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu ardayda maanta qalin-jabisay u diray waano iyo dardaaran waalidnimo kaasi oo ahaa in ay ka fogaadaan balwadaha nooc kasta oo yihiinba, sidoo kalena ay iska ilaaliyaan Qabyaaladda iyo wax kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo wadajirka ummadda Somaliland.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐