
Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay X – waxa uu kaga war bixiyay booqashada uu ku joogo dalka Maraykanka gaar ahaan Washington D.C- waxana uu qoraalkaasi oo afka Ingriisiga ku qornaa uu ku yidhi.
Intii aan ku guda jiray booqdaygii Washington, D.C., waxaan la kulmay xubno ka tirsan Koongareeska Mareykanka iyo safiirro caalami ah si aan uga wada hadalno xoojinta xiriirka Somaliland iyo Mareykanka, iskaashiga istiraatiijiga ah, amniga gobolka, iyo arrimaha ganacsiga iyo maalgashiga. Waxaan mar kale caddeeyay doorka Somaliland ay ku leedahay inay tahay saaxiib istiraatiiji ah oo la isku halayn karo, isla markaana ka go’an tahay horumarinta danaha ay wadaagaan labada dhinac.





