๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ซ๐š๐šโ€™๐ข๐ข๐ฅ (๐Œ๐€๐’๐‡๐€๐•), ๐ก๐š๐ฅ๐ค๐š๐š๐ง๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐Ÿ“ ๐ˆ๐ง๐ฃ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ซ ๐๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐ซ๐ž๐ž๐ซ ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐š๐ก

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminayey oo ku jira maalintii afraad ee booqashada rasmiga ah ee uu ku tagay dalka Israaโ€™iil, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Masuuliyiinta sare iyo maamulka Hayโ€™adda Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Israaโ€™iil (MASHAV), oo ka mid ah Hayโ€™adaha hormuudka u ah horumarinta Iskaashiga Caalamiga ah iyo kobcinta awoodaha farsamo ee dalalka saaxiibka la ah dalka Israaโ€™iil.

Intii uu kulanku socday, Madaxweynaha iyo weftigiisu waxay la kulmeen dufcaddii labaad oo ka kooban 25 injineer dhinaca biyaha ah oo reer Somaliland ah, rag iyo dumarba leh, kuwaasi oo ay Hayโ€™adda MASHAV tababar iyo aqoon-korodhsi la xidhiidha maamulka, maaraynta, sugidda iyo horumarinta khayraadka biyaha ugu qaaday dalka Israaโ€™iil.

Madaxweynuhu waxa uu bogaadiyey dadaallada lagu horumarinayo aqoonta iyo xirfadaha khubarada Somaliland, isaga oo xusay in maalgashiga aqoonta iyo tayeynta khayraadka dadku ay laf-dhabar u yihiin horumarka waara ee Qaranka, isaga oo injineerada (rag iyo gabdhaba) ku bogaadiyey kuna dhiirrigeliyey dadaalkooda.

Sidoo kale, waxa uu si weyn ugu mahadnaqay Hayโ€™adda MASHAV iyo hawl wadeennadeeda doorkeeda ku aaddan xoojinta iskaashiga dhinacyada horumarinta, tababarrada farsamada iyo dhismaha awoodda iyo aqoonta culuunta biyaha ee Hayโ€™adaha Somaliland.

Kulankan ayaa muujinaya heerka sii kordhaya ee iskaashiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Israaโ€™iil, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, maamulka biyaha, kobcinta aqoonta iyo dhismaha awoodaha xirfadeed ee aqoonta ee Injineerrada Somaliland.