


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Ururka Dawladaha Hoose ee Somaliland (ALGASL), kaas oo lagaga wada hadlay doorka muhiimka ah ee ay Dawladaha Hoose ku leeyihiin horumarinta adeegyada bulshada, xoojinta maamul-daadejinta iyo kobcinta Dawladnimada casriga ah.
Madaxweynuhu waxa uu xusay in Dawladaha Hoose ay yihiin heerka ugu dhow ee uu muwaadinku ka dareemi karo jiritaanka iyo adeegga Dawladnimada, sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in la xoojiyo awooddooda maamul, farsamo iyo maaliyadeed ee Dawladaha Hoose si ay si hufan ugu gudan karaan waajibaadka loo igmaday.
Dhinaca kale, Madaxweynaha JSL ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta wada shaqaynta iyo iskaashiga u dhexeeya Dawladaha Hoose ee dalka, si loo wadaago khibradaha loona dardar-geliyo adeegyada bulshada ee ay muwaadiniintu u baahan yihiin.
Kulanka waxa sidoo kale ka hadlay Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka iyo Mayorrada Berbera, Boorama iyo Hargeysa, kuwaasi oo Madaxweynaha uga mahadnaqay kulanka. Waxay si gaar ah u adkeeyeen muhiimadda ay leedahay maamul-daadejintu, xoojinta wada shaqaynta u dhexaysa Dawladda Dhexe iyo Dawladaha Hoose.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si gaar ah u xusay in xidhiidhka iyo wada shaqaynta ka dhexaysa Dawladaha Hoose iyo Dawladda Dhexe ay tahay tiir muhiim u ah hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee Qaranka JSL, adkaynta midnimada bulshada iyo xoojinta wadajirka Qaranka.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan gaar ah la yeeshay Maayarka, Maayar ku xigeenka cusub iyo Xoghayaha Fulinta ee Dawladda Hoose waxana uu Madaxweynuhu kula dardaarmay in ay xilkooda si ay masuulyadi ku dheehan tahay u gutaaan, isaga oo Alle SWT uga baryey in uu xilka cusub ku asturo





