Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyadda u magacaabay Maxamed Xasan Saleebaan.
Agaasime Maxamed Xasan ayaa ah khabiir muddo dheer ka soo shaqaynayay Kastamada Somaliland isla.markaasina ah khabiir in badan ka soo hawlgalay wasaaradda Maaliyadda xiliyo kala duwan
isaga oo soo noqday agaasimaha cashuuraha bariga Somaliland