๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐š๐ซ๐š๐š๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐ก๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ƒ๐š๐›-๐๐š๐ฆ๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ž๐๐›๐š๐š๐๐š๐๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ง ๐ก๐ž๐ฅ๐š๐ฒ ๐๐š๐ซ๐š๐ฃ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง ๐œ๐ข๐ข๐๐š๐ง

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay saraakiisha Ciidanka Dab-damiska iyo Bedbaadada Bulshada JSL, kuwaas oo uu Madaxweynuhu dhawaan siiyey darajooyin ciidan.

Madaxweynuhu waxa uu saraakiisha ku bogaadiyey doorka naf-hurnimada leh ee Ciidanka Dab-damisku ay ka qaataan badbaadinta nafta iyo hantida bulshada, gurmadka xaaladaha degdegga ah iyo ilaalinta badbaadada muwaadiniinta, isaga oo xusay in darajooyinku ay yihiin maamuus, dhiirrigelin iyo astaan muujinaysa qiimaha ay Qaranka ugu fadhiyaan kuwa naftooda u hura badbaadinta bulshada.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in maanta aanay ahayn keliya maalin darajooyin la bixinayo, balse ay tahay maalin uu Qaranka JSL qirayo geesinnimada, dedaalka, naf-hurnimada iyo shaqada qiimaha badan ee ay Ciidanka Dab-damiska iyo Bedbaadada Bulshada ay Qaranka u hayaan.

Madaxweynuhu waxa uu saraakiisha iyo dhammaan Ciidanka Dab-damiska ku adkeeyey in ay sii laban-laabaan dedaalkooda, hufnaantooda iyo waajibaadka Qaran ee loo igmaday, isaga oo xaqiijiyey in ay Xukuumadda ka go’an tahay tayaynta, qalabaynta, casriyeynta iyo kor u qaadista awoodda hawlgal ee Ciidanka Dab-damiska iyo Bedbaadada Bulshada.

Munaasibadda waxa iyaguna goob joog ahaa, hadallo koobanna ka jeediyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Wasiirka Madaxtooyada iyo Guddida Darajo-Bixinta Qaranka, Taliyaha Ciidanka Dab-damiska Qaranka.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in badbaadinta muwaadinka iyo ilaalinta hantidooda ay yihiin waajibaad iyo masuuliyad Qaran, Ciidanka Dab-damiskuna yahay gaashaan muhiim u ah bedbaadada bulshada.