Wargeyska Jerusalem Post ayaa sheegay intii lagu gudo jiray shirkii MEAD in madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), warraysi ku sheegay in Somaliland diyaar u tahay in ilaa 2 kun oo askari u diri karto degaanka Marinka Gaza, si ay qayb uga noqdaan ciidamada caalamiga ah ee la doonayo in la geeyo Gaza.
Sida warka wargeysku saaka faafiyey ku cad, madaxweyne Cirro waxa uu sheegay in dalka Somaliland aanu si mutadawacnimo ah wax ciidan ah ugu diri doonin Gaza, balse ay arrintaasi fulin doonaan haddii laga soo codsado in Somaliland ciidamo u dirto Marinka Gaza.
Ciidamada calamiga ah ee xasilinta Marinka Gaza ayaa la filayaa inay degaankaasi ka gaadhaan bishan September ama ilaa October 2026.
Dalalka ilaa hadda sheegay inay ciidanka u dirayaan Gaza waxa ka mid ah Marooko, Uganda, Albania, Kosovo, Kazakhstan, waxaana haddii ay dhab noqoto ku biiraya Somaliland.





