














Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Daah-furay Mashruuca Biyo-ballaadhinta Magaalada Burco
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ku jira maalintii 2-aad ee Safarkiisii Shaqo ee uu ku joogay Magaalada Burco, ayaa maanta si rasmi ah Daah-furay Mashruuca Biyo-ballaadhinta Magaalada Burco, taasi oo lagu kordhinayo awoodda bixinta biyo nadiif ah oo gaadha bulsho ballaadha oo ku nool magaalada Burco.
Munaasibadda waxa ka hadlay Maareeyaha Wakaallada Biyaha Burco, Duqa magaalada Burco, Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka iyo Wasiirka Biyaha, kuwaasi oo dhammantood hoosta ka xarriiqay muhimadda uu Mashruucani u leeyahay nolosha bulshada reer Burco, Madaxweynahana ku bogaadiyey hoggaamintiisa Quman.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Munaasibadda ka jeediyey hadal qiimo leh, ayaa Mashruucan Biyo ballaadhinta Burco ku tilmaamay mid lagama maarmaan u ah horumarinta nolosha Shacabka reer Burco, isaga oo xusay in kor loogu qaadayo helitaanka biyo jaban oo joogto ah, gaar ahaan maadaama magaalada Burco ay si degdeg ah u korayso.
Guntii iyo gabagabadii, Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cirro ayaa mar kale caddeeyey in muddo xileedka Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ay ka go’an tahay in ummadda Somaliland lagu maamulo caddaalad, sinnaan, midnimo iyo horumar loo dhan yahay.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland






