Madaxweynaha Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta u socdaalay dalka Itoobiya halkaasi oo uu marti qaad rasmi ah ka helay Raysal wasaaraha Itoobiya  Dr Abiy Ahmed.

Madaxweyne Cirro waa kolkii u horaysay ee uu booqasho ku tago dalka Itoobiya waxana la filiyaa in si xoogan Madaxweyne Cirro loogu qaabilo dalkaasi uu booqanaayo oo aynu wadaagno xuduud dheer oo amaan ah.