
Sida ay qortay jariiradda caanka ah ee The Economist, Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa booqanaya Washington si uu Maraykanka ugu qanciyo inuu aqoonsado Somaliland.
Maqaalka The Economist waxa lagu xusay muhiimadda Somaliland ay u leedahay gobolka, gaar ahaan Marinka Bab al-Mandab, oo ah marin muhiim u ah maraakiibta ganacsiga adduunka, kaas oo muddooyinkii dambe ay khatar ku hayeen Xuutiyiinta Yemen.
Madaxweyne Cirro ayaa laga yaabaa inuu Maraykanka u soo bandhigo isticmaalka saldhigyo milatari oo ku yaalla Somaliland, kuwaas oo Washington u fududayn kara inay wax ka qabato khatarta Xuutiyiinta, sida lagu sheegay warbixinta The Economist.
Madaxweyne Cirro ayaa haatan ku rajo weyn inuu arrinta aqoonsiga Somaliland si fool-ka-fool ah ugu bandhigo Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.





