Jarmalka oo Shaaciyay in Aanay Hub Siinayn Ukraine
Barlin(Qaran)-Dawladda Jarmalka ayaa sheegtay in aanay hub siin doonin dawladda dalka Ukraine,iyada oo la filaayey in dhowaan ay dawladda Jarmalku rasaas ugu deeqdo ciidamada dalka Ukraine.
Wasiirka Gashandhigga ee dalka Jarmalka Boris Pistorius oo kulan la qaatay wasiirrada arrimaha dibadda ee wadamada Austria iyo Sweden ayaa sheegay in dalkiisu uu saxeexay heshiis mamnuucaaya soo saarista iyo isticmaalka hubka qaarkood.
Wasiirka Gashandhigga ee dalka Jarmalka ayaa cadeeyey in ay joojiyeen rasaastii ay ku taakulaynayeen ciidamada Ukraine,waxa uu sidoo kale Boris Pistorius sheegay in aanay dalkiisa khusayn bixinta hubka Cluster-ka loo yaqaana,isla markaana aanay bixin Karin.
Waxa kale oo uu sheegay wasiirka Gashandhigga ee Jarmalku in rasaasta badan ee la isticmaala ay sababto dhimasho aan loo baahnayn,iyada oo mararka qaarna hubkani aanu qarxin,isla markaana uu dagaalka ka dib khasaare ballaadhan keeno.