Waxaan arkay socdaalkii Madaxweynaha Somaliland oo qof ba dhinac ula kacay aad moodona in Baraha Bulshada lagu jaahwareerinayo shacabka Somaliland

Madaxweyne kasta marka uu Dal kale booqasho Ku tago waxa uu la Shir tagaa rabitaanka dadkiisa iyo maslaxada guud ee qarankiisa
Dawlada Qatar mawqifkeeda hore wuu cadaa iminka war_murtiyeedka wuu Ka muuqdaa
Hasa yeeshay Madaxweynaha Somaliland maaha ilma yar oo malcaamad joogta isaguna waxuu hordhigayaa rabitaanka dadkiisa

Hadii se labada Dal ee Somaliland iyo Qatar Ku Kala duwanaadaan aragtida siyaasadeed maxaad khasbaya in madaxweyne Ciro qaato fikirka Qatar waayo diblomaasiyada iyo siyaasada waxa bud dhig u ah inaad mar walba mudnaanta kowaad aad siiso danaha dadkaaga iyo dadkaaga.

Shacabka Somaliland waxa aad moodaa inay kalsooni daro hayso, waxaan leeyahay Madaxweynaha idinkaa doortay ee ha garba duubina.
Xakuumadana waxaan leeyahay shacabka war sugan siiya si aanay dhegaha shacabka ula wareegin baraha bulshada iyo warbaahinta kale ee waxay rabaan qoraya oo weliba qaarkood Ka kaluumaysanaya caadifada shacabka si xakuumada ugu kiciyaan iyaka ISKA dhegaya inay Somaliland u danqanayaan lkn ay cid kale u shaqaynayaan.

Ibrahim duale Sulaiman
Tallaabo