

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta ka qayb galay Xafladda Furitaanka Mashruuca Biyo-ballaadhinta Magaalada Hargeisa ee Wajiga 2-aad.
Mashruucan oo muhiimmad weyn u leh horumarinta adeegyada biyaha ee caasimadda, ayaa lagu talo galay in lagu kordhiyo helitaanka biyaha nadiifta ah, laguna daboolo baahida sii kordhaysa ee bulshada ku nool Hargeysa.
Mashruucan waxa maalgeliyey Baanka Horumarinta Jarmalka ee Jamhuuriyada Federalka ee dalka Jarmalka, waxana fulisay Wakaalada Biyaha Hargaysa.
Munaasibadda furitaanka waxa ka soo qayb-galay Masuuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumadda, Wasiiro, Maamulka Gobolka Maroodijeex iyo ka degmada Hargeysa, Hay’adaha Caalamiga ah ee wada shaqaynta la leh Jamhuuriyadda Somaliland, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweyne Ku-xigeenka JSL ayaa hadal uu ka jeediyey munaasibadda waxa uu bogaadiyey dhammaan dhinacyadii ka qayb qaatay hirgelinta mashruucan, isaga oo xusay in Xukuumaddu ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta adeegyada biyaha, korontada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee muhiimka u ah nolosha shacabka.
Waxa uu sheegay in Mashruuca Biyo-ballaadhinta Hargeysa Wajigiisa 2-aad uu wax weyn ka tari doono biyo-yaraanta ka jirta Caasimadda, isla markaana uu sare u qaadi doono tayada adeegyada biyaha ee ay u baahan yihiin muwaadiniintu. Waxa kale oo uu adkeeyey in Xukuumaddu ay sii wadi doonto dedaallada lagu horumarinayo adeegyada nolosha bulshada JSL sida tooska ah u taabanaya.





