Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, oo muddo 20 cisho ah safar shaqo ku joogay Gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Borama ayaa maanta galinkii dambe dib ugu laabtay Caasimadda Hargaysa. Safarka Madaxweyne ku-xigeenka JSL iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayey ayaa ku saabsanaa isu-dubbaridka dedaallada ay Xukuumaddu horseedka ka tahay ee la xidhiidha nabadaynta iyo soo afjaridda colaadda u dhexaysay beelaha walaalaha ah ee ku dhaqan Gobollada Awdal iyo Selel.

Madaxweyne kuxigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa muddadii uu ku sugnaa magaalada Borama waxa uu dedaal iyo juhdi badan ku bixiyey sidii loo joojin lahaa dhiiga daadanaya isla markaana loo heli lahaa jawi lagu wado hadlo si colaadaasi loo soo afjaro.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa mudnaanta koowaad siiyey in meesha laga saaro jabhadaha hubaysan ee labada dhinac, isaga oo amar ku bixiyey in deegaanadaasi aan lagu arki karin qof shacab ah oo qori ama hub kale sita.

Madaxweyne kuxigeenka JSL Md Maxamed Cali Aw Cabdi iyo waftigii uu hogaaminayey ayaa qorsheeyey wajiga labaad ee nabadaynta Beelaha Walaalaha iyaga oo imika la diyaarinayo wajigaas labaad ee wada hadalada Beelahaasi si guul looga gaadho soo afjarida Colaadaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa si mug leh ugu mahad naqay cid kasta oo af iyo adinba kaga qayb qaadatay sidii loo soo afjari lahaa coladaasi ha noqoto madaxdhaqmeedka, Saraakiisha iyo Ciidamada qaranka ee habeen iyo Maalinba u taagan sugida Amniga .