


Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta hoyga uu ka deggan yahay Magaalada Hargeysa ku booqday Maayarka Magaalada Ceerigaabo Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur, oo ka soo laabtay safar caafimaad oo uu ugu maqnaa dalka debadiisa.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL, ayaa ugu horrayn Maayar Ismaaciil Xaaji Nuur ka xog waraystay Xaaladdiisa Caafimaad, taasi oo ah mid hadda mid hadda ka soo raynaysay.
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa u duceeyey Maayar Ismaaciil Xaaji Nuur, waxana uu Allah SWT uga baryey in uu siiyo caafimaad taam ah.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐,
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐.






