











๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐ ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐๐๐๐ก-๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐จ๐จ๐ฐ๐๐๐ ๐ก๐๐๐ซ ๐๐๐ซ๐๐ง ๐๐ ๐๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข๐๐๐๐๐ก๐ข๐ฌ๐ญ๐ ๐๐๐๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa si rasmi ah u daah-furay Shirweynaha Koowaad heer Qaran ee Cilmibaadhista Maamulka Dawladda oo uu si wacan u soo qabanqaabiyay Machadka Shaqaalaha Dawladda (CSI), kaasi oo ka qabsoomay Hotel Ambassador oo socon doona 18โ19 November 2026.
Shirweynuhu waxa uu kulmiyay Wasiirro, Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Agaasimayaal Guud, Aqoonyahanno, Cilmi-baadhayaal, Jaamacado, Ganacsato iyo Hayโadaha Caalamiga ah ee Horumarinta, si loo xoojiyo wada-shaqaynta, iskaashiga iyo wadaagista aqoonta ee Hayโadaha Dawladda.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL ahna ku-simaha Madaxweynaha ayaa ugu horrayn Machadka Shaqaalaha Dawladda si weyn ugu bogaadiyey qabashada Shirweynaha Qaran ee Cilmibaadhista, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay dhismaha Xarun Cilmibaadhiseed oo uu leeyahay Qaranka JSL oo soo saarta daraasado aqooneed oo xaqiiqo ku salaysan kuwaasi oo lagu horumarinayo nolosha bulshada JSL.
Agaasimaha Fulinta ee Machadka Shaqaalaha Dawladda (CSI), Dr. Maxamuud Siciid Cadaad ayaa faahfaahin qoto dheer ka bixiyey ujeeddada laga leeyahay Shirweynaha Koowaad ee Cilmibaadhista Maamulka Dawladda, taasoo ah in la dhiirrigeliyo cilmibaadhista, lana xoojiyo adeegsiga xog sugan iyo natiijooyinka ka soo baxa daraasadaha cilmiyeed oo saldhig u noqon kara goโaan-qaadashada Dawladda, dejinta siyaasadaha, dib-u-habaynta Hayโadaha Qaranka iyo tayeynta adeegyada bulshada.
Dr. Cadaad waxa uu sheegay in Shirweynaha lagu soo bandhigayo Cilmibaadhisyo badan oo la xidhiidha Lix Mawduuc oo muhiim u ah horumarka JSL; sida maamulka iyo siyaasadaha dawladda, dib-u-habaynta shaqaalaha iyo kobcinta awoodda hayโadaha, dawladaha hoose iyo maamul-daadejinta, nabadda iyo maamul-wanaagga, isbeddelka cimilada iyo ilaalinta deegaanka, iyo horumarinta arrimaha bulshada.
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha waxa uu hoosta ka xarriiqay doorka lama huraanka ah ee ay Haweenka JSL ku leeyihiin nolosha bulshada, isaga oo xaqiijiyey taageerada iyo dhiirrigelinta Xukuumadda ee horumarinta Haweenka.
Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu si adag ugu baaqay tayaynta iyo horumarinta Waxbarashada dalkeenna, maadaama waxbarashadu ay tahay tiirka koowaad ee horumarka Qaran kasta.
Ugu dambayn, farriinta ugu weyn ee uu xambaarsan yahay Shirweynaha Koowaad heer Qaran ee Cilmibaadhista Maamulka Dawladda ayaa ahayd in la xaqiijiyo in Hayโadaha Dawladdu ay fuliyaan goโaan-qaadasho ku salaysan cilmibaadhis, xog sugan iyo caddayn cilmiyeed.





