





























Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta magaalada Hargeysa ka furay Barnaamijka Daahfurka Rasmiga ah ee Hagaha Maalgashiga Somaliland.
Barnaamijkan ayaa qeexaya fursadaha maalgashi ee dalka ka bannaan, siyaasadda maalgashiga iyo dhiirigelinta maalgelinta gudaha iyo dibeddaba.
Munaasibadda daahfurka waxa sidoo kale ka qaybgalay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Ganacsato, Aqoonyahanno iyo marti sharaf kale oo tiro badan.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL oo halkaasi ka jeediyey hadal nuxur leh, ayaa si weyn uga dheeraaday muhiimadda uu maalgashigu u leeyahay dalka, isaga oo yidhi:
“Maalgashigu waa albaabka ama furaha dalka laga soo galo. Nasiib wanaag, maanta Somaliland waxa yaalla fursado badan oo maalgashi. Waxa aan ku dhiirigelinayaa ganacsatada dalka in ay ka faaโiidaystaan fursadahaas, maadaama ay yihiin muwaadiniin dalkan u dhashay.
Xukuumad ahaan waxa aan diyaar u nahay in aanu soo dhawayno cid kasta oo doonaysa in ay dalka maalgashato.
Dhawaan waxa aan soo maray qaar ka mid ah suuqyada waaweyn ee dalka, waxa aan ka waayey wax dalkeena laga soo saaray oo la iibinayo,โxataa khudaarta badankeeda waxa aynu ka soo dhoofinnaa dalalka jaarka ah.
Waxa aan bulshada Somaliland iyo Ganacsatada dalka ugu baaqayaa in aan isku tashanno oo ka faaโiidaysanno khayraadka hodanka ah ee dalka ku jira. Taasi ayaa keenaysa horumar, koboc dhaqaale iyo shaqo abuur.
Cid kasta oo reer Somaliland ah oo maalgashi wadata, xafiiskaygu wuu u furan yahay mar kasta.โ
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ)
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐





