Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa Guddi Degdeg ah u saaray Musiibada Dabka weyn ee ku dhuftay buuraleyda Gobolka Sanaag.

Dabkan oo bilaabmay maanta gallinkii dambe ayaa si xawli ah ugu fiday kaymaha iyo dhirta qadiimiga ah ah ee deegaankaasi, taasi oo cabsi gelisay deegaanka, khatarna ku ah deegaanka dabiiciga ah iyo nolosha dadka halkaa deggen.

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐞𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚𝐧 𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐮𝐮 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐲 𝐚𝐲 𝐤𝐚 𝐤𝐨𝐨𝐛𝐚𝐧 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧:

1. Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada
2. Wasaarada Gaashandhiga
3. Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga
4. Wasaarada Caafimaadka,
5. Hay’adda u diyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka,

Guddigan ayaa Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu ku amray in ay si deg-deg ah u gaadhaan goobta dabka ka kacay.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL ahna ku-simaha Madaxweynaha SL ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dedaallada lagu daminayo dabka, isaga oo sidoo kale ka codsaday Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxalliga ahba in ay si deg-deg ah u fidiyaan taageero.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)

𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝