๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‰๐’๐‹ ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐๐š๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta magaalada Hargeysa kaga qayb galay Shirweynaha Maalgelinta Waxbarashada 2026, kaas oo diiradda lagu saarayo horumarinta Waxbarashada iyo sidii loo abuuri lahaa fursado waxbarasho oo wax tar u leh bulshada.

Shirweynahan oo socon doona muddo laba maalmood ah, ayaa waxa ka qayb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda JSL daneeyeyaasha Waxbarashada iyo marti-sharaf kale.

Ujeedada guud ee Shirweynaha Maalgelinta Waxbarashada ayaa ah sidii loo xoojin lahaa maalgelinta Waxbarashada dalka, korna loogu qaadi lahaa tayada Waxbarashada, loona ballaadhin lahaa fursadaha ay heli karaan ardayda gaadhay heerarka kala duwan ee waxbarashada.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, oo khudbad ka jeediyey Shirweynaha, ayaa adkeeyey sida ay Xukuumadda uga goโ€™an tahay horumarinta Waxbarashada Qaranka, isaga oo tilmaamay in Waxbarashadu ay tahay tiir-dhexaadka horumarka bulshada iyo mustaqbalka dalka, waxana uu yidhi:

โ€œFarxad bay ii tahay in aan maanta ka soo qayb galo Shirweynahan muhiimka u ah Qaranka. Xukuumad ahaan, waxa naga goโ€™an horumarinta Waxbarashada dalka iyo sidii loo heli lahaa fursado waxbarasho oo tayo leh.

Haddii la doonayo in dal la dumiyo, burburintiisa waxa laga bilaabaa dhinaca Waxbarashada, si ay u soo baxaan jiilal aan helin aqoon iyo waxbarasho ku filan.

Waxbarashadu ma aha oo keliya in ardaygu barto akhriska iyo qoraalka, balse waa aasaaska lagu kobciyo garaadka qofka, lagu dhiso kartidiisa, laguna diyaariyo in uu kaalin wax-ku-ool ah ka qaato horumarka bulshada iyo Qaranka uu ka tirsan yahay.”

Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu hadalkiisa ku muujiyey muhiimadda weyn ee ay Waxbarashadu u leedahay dhismaha Qaranka, isaga oo xusay in maalgelinta Waxbarashadu aanay ahayn keliya kharash, balse ay tahay maalgashi mustaqbalka oo lagu dhisayo, laguna kobcinayo aqoonta, kartida iyo horumarka bulshada JSL.