Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa saaka kormeer kedis ah ku tagay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Kormeerkan ayaa qayb ka ahaa u kuur-galka hab-sami-u-socodka hawlaha Qaranka iyo gudashada waajibaadka shaqo ee Hay’adaha Dawladdu ay uga masuuliyihiin Qaranka JSL.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa waxa halkaasi ku soo dhaweeyey Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska JSL.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa intii uu ku guda jiray kormeerka, waxa uu warbixinno ka dhegaystay madaxda sare iyo masuuliyiinta Wasaaradda, isaga oo sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la dar-dargeliyo adeegyada loo qabanayo shacabka Somaliland, lana ilaaliyo nidaamka, isla-xisaabtanka iyo waajibaadka shaqo.

Kormeerkan kediska ah ayaa qayb ka ah dedaallada lagu xoojinayo hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo tayada shaqo ee Hay’adaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.