Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa kulan muhiim ah Qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Safiirka Dowladda Denmark, Mudane Steen Sonne Andersen, kulankaasi oo diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Denmark, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo xasilloonida, horumarinta bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha, dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka.

Madaxweyne ku-xigeenka waxa kulanka ku wehelinayey Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dibedda, Afhayeenka Madaxweynaha iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweyne ku-xigeenka.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa Safiirka uga mahad naqay taageerada dhaqaale iyo ta horumarineed ee ay Dawladda Denmark siiso Somaliland, isaga oo xusay in iskaashiga noocan ahi uu door muhiim ah ka qaato horumarinta adeegyada bulshada, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha, xoojinta amniga iyo kobcinta Hay’adaha Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu Safiirka ku adkeeyey muhimadda ay leedahay in Denmark ay sii xoojiso taageerada dhaqaale ee ay siiso Somaliland, gaar ahaan mashaariicda sida toos ah u taabanaya nolosha bulshada, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adkaynta Dawladnimada iyo nidaamka dimuqraadiyadda.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku-xigeenka JSL ahna ku-simaha Madaxweynaha, waxa uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in Dawladda Denmark, Dalalka Iskaandineefiyanka iyo Midowga Yurub ay si dhab ah u qiimeeyaan xaaladda siyaasadeed iyo ta juqraafiyeed ee ka jirta Geeska Afrika, isla markaana ay gar-waaqsadaan xaqiiqada ka jirta Somaliland oo ah dal leh Hay’ado Qaran oo adag, nidaam dimuqraadiyadeed, nabadgelyo iyo Dawladnimo muddo dheer soo dhismaysay.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu Safiirka Dawladda Denmark ku baraarujiyey in Somaliland ay mudan tahay in xaqiiqadeeda siyaasadeed loo wajaho si dhab ahaan ka tarjumaysa rabitaanka Shacabka JSL iyo kaalinta muhiimka ah ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay nabadda, xasilloonida iyo guud ahaanba amniga Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan sugidda amniga marinnada istaraatiijiga ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Isaguna dhankiisa, Safiirka Denmark, Mudane Steen Sonne Andersen ayaa bogaadiyey amniga, xasilloonida, horumarka iyo hannaanka dimuqraadiga ah ee ka hana-qaaday Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac.

Safiirku waxa uu xaqiijiyey in Dawladda Denmark ay sii wadi doonto taageerada mashaariicda horumarineed ee waxtarka u leh bulshada Somaliland, gaar ahaan sii xoojinta taageerada ay Denmark muddada dheer ku lahayd Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), oo ah Sanduuq muhiim u ah maalgelinta mashaariicda horumarineed ee la jaanqaadaya arrimaha mudnaanta u leh Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulanka waxa Safiirka ku wehelinayey madaxii hore ee Hay’adda DANIDA Somaliland (Mathias Kjaer), madaxa cusub ee DANIDA ⁠(Camilla Christensen) iyo Cabdiqani Maxamed Xuseen (Political Officer).

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-faham iyo aragti wadaag ku saabsan sii xoojinta iskaashiga iyo wada shaqaynta labada dhinac, iyada oo Jamhuuriyadda Somaliland ay muujisay in ay ka go’an tahay dhismaha xidhiidh caalami ah oo ku salaysan iskaashi waxtar leh, dano-wadaag iyo hiigsiga himilo horumarineed oo waarta.