Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw-Cabdi iyo waftigii balaadhanaa ee uu hogaaminaayey ayaa maanta (07.05.2025) si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa .

Madaxweyne ku-xigeenka iyo waftiga uu hogaaminaayey ayaa muddo ka badan 70 maalmood safar shaqo ugu maqnaa Gobollada Bariga Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL iyo weftigiisu waxa ay soo fuliyeen hawlo muhimmad weyn u leh dadka iyo dalalka, hawlaasi waxa ugu mudan Qaramadeynta Ciidamada Madaniga ah iyo nabadda ay ka xidheen Degmada Ceel Afweyn.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇,

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝