












๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐ ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐๐ก ๐ฅ๐ ๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐๐ฒ ๐๐๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ซ๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ ๐ญ๐ข๐ซ๐ฌ๐๐ง ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ข๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐จ๐ช๐จ๐ซ๐ญ๐จ๐จ๐ฒ๐๐๐ ๐๐ง๐ ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ (๐๐)
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Charlotte Pierre oo ah Madaxa Xafiiska Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta UK (FCDO), iyada oo ay wehelinaysay Louise Hancock, Madaxa Xafiiska Dawladda Ingiriiska ee Somaliland.
Madaxweyne ku-xigeenka waxa kulanka ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Gaashaandhigga iyo Difaaca Qaranka iyo La Taliyaha Sare ee Madaxweynaha Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Boqortooyada Ingiriiska (UK), gaar ahaan xagga amniga iyo xasilloonida gobolka, kobcinta dimuqraadiyadda iyo maamul-wanaagga, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, tayeynta awoodda Hayโadaha Dawladda JSL, arrimaha biniโaadannimada, taakulada abaaraha iyo gargaarka bulshada nugul.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL ahna ku-simaha Madaxweynaha, waxa uu ka mahad naqay taageerada ay Dawladda UK muddada dheer u fidiso Somaliland, isaga oo xusay muhiimadda ay labada dhinac u leedahay iskaashiga iyo ka wada shaqaynta nabadda, xasilloonida iyo horumarka Somaliland iyo guud ahaan gobolka.
Sidoo kale, Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu Dawladda UK ka codsaday in ay kordhiso qoondada taageerada maaliyadeed ee Somaliland, gaar ahaan maalgelinta Mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) iyo barnaamijyada horumarineed si loo dardargeliyo mashaariicda mudnaanta u leh Qaranka JSL.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu xusay sida ay Jamhuuriyadda Somaliland uga goโan tahay sii xoojinta xidhiidhka iskaashiga iyo wada-shaqaynta ay Somaliland la leedahay Boqortooyada Ingiriiska, iyada oo mudnaanta la siinayo danaha Qaranka JSL iyo xasilloonida gobolka.
Dhankeeda, Madaxa Xafiiska Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Ingiriiska, ayaa Madaxweyne ku-xigeenka uga mahad naqday kulanka iyo aragtida isaga iyo masuuliyiinta kale ee Xukuumaddu ay la wadaageen, iyada oo adkaysay muhiimadda uu xidhiidhka iyo iskaashiga UK la leedahay Somaliland u leeyahay nabadda, xasilloonida iyo horumarka gobolka. Sidoo kale, waxa ay muujisay sida ay uga goโan tahay sii wadista wada-shaqaynta iyo xoojinta iskaashiga wadajirka ah ee mudnaanta u leh labada dhinac.





