“Amarka Ilaahay Madaxweyne kasta marka uu mudo-xileedka la doortay dhamaado ee loo kordhiyo wakhtiga, waxa dhaca masiibooyin xusuus ku reeba Quluubta Bulshada.
1.Madaxweyne Daahir Rayaale Muddo kordhintiisii waxa dhacay Qaraxyadii Madaxtooyada, UNDP iyo xafiiska Ethiopia ee Hargeisa 29.0ct 2008, waxa dhacdadaa ku baxay haldoor badan oo Reer Somaliland lahaa (AUN) dhamaantoode.
2. Madaxweyne Siilaanyo Markii wakhtiga la doortay dhamaaday ee loo kordhiya Abaaro baahsan ayaa Dalka ka dhacay oo galaaftay Duunyo badan, 2016 iyo 2017 labadaba.
3. Madaxweyne Muuse Biixi Markii loo kordhiyay Dalku dagaal sokeeye, dhiig daata, Qax iyo dhibaatooyin culus ayuu cagaha la galay.
Midhaa inaynu Cashar rabaani ah ka barano, ayaa muhiim ah oo ka fogaano in heshiiska Umadda lala galay laga baxo, Madaxweyne kasta oo aynu dooranaana ku ekaado xayndaabka Mudo-xileedkiisa.
Bal adba!”
WQ. Xildhibaan Axmed Wali oo ka tirsan golaha deegaanka Gabilay.