
MADAXWEYNUHU MARKUU DEBEDDA U BAXO WARBAAHINTEENNU MAXAY LA WAALATAA.
Somaliland waxay leedahay cadow faro badan oo dagaal kula jira jecelna inay fashilanto kuwaas oo heegan ugu jira inay kasoo xidhaan aqoonsiga caalamiga ayaa waxa dhinac socota warbaahinteenni.
Warbaahinta Somaliland qaar ka midi madaxweynu markuu debedda u baxo waxay u dhaqantaa si qaranimada ka baxsan oo liidaysa waddanka.
Markuu debedda u baxo Cirro wuxuu sitaa magacii qaranka, xisbi maahaa wuxuu la kulmo shar iyo khayr way inaga dhexeeyaan ma habboona meeqaamka madaxweynaha in hoos loo dhigaa.
Wuxuu orod ugu jiraa sidii waddanka wax loogu qaban lahaa, waxaana habboon warbaahintu inay dib isugu noqoto oo ay qaranimada ilaaliso kana waantowdo fadeexadda qaranka.
MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.






