Ayadoo kulayl aad u daran uu ka jiro deegaannada Soomaalida ee bariga Afrika ayaa wararka ka imaanaya magaalada Godey ee dawlad deegaanka Soomaalida waxay sheegayaan in uu khasaare nafeed gaystay heerkulkaas todobaadyadii u dambeeyey sare u sii kacayey.

Sida uu sheegayo Salaaxudiin Cabdullaahi Cumar oo ka tirsan madaxda iskaashato deegaankaas ka jirta oo ka shaqaysa wax soosaarka, waxaa uu BBC u shegay in xaaladda hadda deegaankooda ka jirta aysan weli hore u soo marin.

Iskaashatada uu madaxda ka yahay Salaaxudiin ayaa todobaadkan weyday boqolaal digaag oo ay xanaaneynayeen, ka dib kulayl daran oo aan hore u soo marin Godey oo dadku ay la yaabeen.

“Kulaylka waxaa noo dheer magaaladu markii hore biyo fiican ayey haysan jirtay, haddii wax laga qabanayana waa naloo sii sheegi jiray, taana waxay noo saamixi jirtay in aan ka sii gaashaamanno muddada biyuhu go’an yihiin oo aan biyo sii dhaansanno, haddase waxaa dhacday in mar kaliya ay biyihii go’aan innagoo aan ka diyaar garoobin” ayuu yiri Salaaxudiin oo BBC u warramayey

waxaana sababay uumi bax fara badan oo biyihii dusha sare ee dhulka fadhiyey, bad iyo berriba ay uumi baxayaan, wxayna sababayaan inay hawada sare galaan, ka dibna ay daruuro samaysmaan, sidaa darteed hawada waxaa ku jira biyo fara badan, waxaana aad u kala badan uumiga baxaya iyo biyihii hawada sare ku jiray. Taa waxay keentay in daruurihii iyo biyihii hawada ku jiray ay sii bataan, uumigana uu dhulka ku soo noqdo, waana middaas tan keentay huurka faraha badan ee dadku dareemayaan“ ayuu yiri Xasan Maxamed Fadan.

Wuxuu meesha ka saaray in khasaare naf bani aadam uu jiro, laakinse wuxuu hoosta ka xariiqay in ay dhibaato ka soo gaarayso shimbiraha oo ay haddeerba jiraan shimbiro dhintay.

“Waxaa noo qorshaysan in aan dadka wacyigalin u samayno, sida in aysan dhulka biyo ku rushayn, waayo biyahaas way uumi baxayaan, waxaana sii kordhaya huurka“ ayuu yiri Xasan Maxamed Fadan