Magaciisu waa Rashiid Gaaruf. Waa qurbejoog ku daalay Maraykan.
Eedadii Aamina-waris oo waagaas odaygeedu Somaliland Madaxweyne ka ahaa ayaa u dhamaysay shaqo naasnuujin ah oo loo gu yeedhay Safiirka SL ee Washington, waxaana bishii loo qoray 15 kun oo doolar, oo isugu jira mushahar iyo kharash xafiis. Muddo sagaal sanno ah ayuu tuubadaas xaaraanta ah jaqaayay, hal maalin na warqad ma qorin, xafiisna maba yeelan oo gurigiisa ayaa wax kasta u ahaa. Shaqooyinka xamaaliga ah ee halkaas ka jira ayuu ku tuuran jiray, sidaas baanu ku waday ilaa meeshii la ga wareejiyay waa dhexdii ahayd oo la geeyay Bashiir Sh Cumar. Intii uu meesha ka tegay, shaqadiisa cusubi waa in uu social media ka soo afuufo nacayb iyo is ku dir, si gaar ah na waxa uu shiishku u gu saaranyahay ninka Cabdiraxmaan-cirro la gu magacaabo iyo reerka uu ka soo jeedo. Dhacdadii Gacanlibaax waa in la ga aar goosto, oo Cirro iyo reerkiisa la laayo ayuu twitter ka ga dooddaa, taliska Kulmiye na waxa ay u gu yeedhaan aqoonyahan. Imika, iyaba waa yaabe, waxa la ii sheegay in uu ku casuumanyahay bandhigga buugaagta ee Hargeysa, oo sanadkan hal-ku-dheggiisu yahay Wadajir – togetherness. Wadajirkii ma wax baa la ga bedelay?
Si kastaba, Rashiid in badan buu ka hadlay Gacanlibaax iyo Oofwareen nin la gu magacaabo, waanu ku xiiqay oo ku xabeebtay. Imika ayuu arladii joogaa ee ninkaas ha raadsado oo ha ka goosto waxa ka ga maqan, haddii kale buuqa ha inaga dhaafo. Rashiid iyo kuwo badan oo uu ka mid yahay ‘baga’ ayay cod dheer ku lahaayeen maalintii sanad ka hor caruurta bilaa dembiga ah madaxa lagaga wada toogtay Hargeysa ilaa Ceerigaabo, wax micno ah na ma u gu fadhiyin, dhacdada dambe se ilaa maanta ayay ka hadlaan. Muhiimaddu gef diidis iyo dhiig daadin nacayb ma aha. Hadal dalab leh, lug dalab leh laga garan og.