Sida ay qortay jariiradda Bloomberg, Maraykanka ayaa Somaliland u soo diray saraakiil sar sare oo sirdoonkiisa ah kuwaasi oo qiimeynaya faa’iidooyinka istiraatijiyaddeed ee Maraykanku ka helayo aqoonsi uu siiyo Somaliland. Tani ayaa u muuqata in Maraykanku aad uga baaraandegayo islamarkaana qorshaha ku darsaday inuu aqoonsi rasmi ah siiyo Somaliland iyagoo kaga beddelanaya fursadaha waaweyn ee istiraatiijiyad ahaan uga bannaan Somaliland.
Somaliland ayaa hore ugu dirtay Maraykanka codsiyo la xidhiidha in Maraykanku aqoonsi rasmi ah siiyo, taa beddelkeedana ay diyaar ula tahay in Maraykanku ka faa’iideysto khayraadkeeda .
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Maraykanku joojiyey gargaarkii uu siin jirey Soomaaliya, isagoo sidoo kalena hakiyey taageeradii binaadamtinimo.
Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee Somaliland aqoonsada dhamaadkii 2025-kii, iyadoo haatan Bloomberg ay qortay wararka la xidhiidha in Israa’iil iyo Somaliland ay kala saxeexan doonaan heshiis balaadhan oo khuseeya dhinaca iskaashiga amniga, isweydaarsiga xogta iyo ka hortagga khataraha amni ee mandiqadda.
Wargeysku wuxuu intaa ku daray in Israa’iil qorshaynayso inay saldhig ka samaysato xeebaha Somaliland ee kulaalaya gacanka Cadmeed, balse xukuumadda Somaliland ayaa dhankeeda sheegtay inaan weli laga wadahadlin arrintaasi.





