Tan iyo markii uu soo baxay warka la xidhiidha ictiraafka Somaliland ee Israa’iil, waxaa si weyn la isu weydiinayay sida uu Maraykanku u arko arrintan.
BBC-du waxay xidhiidh gaar ah la samaysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, annaga oo wax ka weydiinnay mowqifka Maraykanka ee ku aaddan Somaliland iyo arrimaha si guud ku gedaaman.
Maraykanka ayaa si gaar ah u sheegay in aanay hadda BBC- u sheegayn ‘war cusub oo ku saabsan aqoonsiga Somaliland”.
Iyaga oo dhanka kale, Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka uu mar kale ku celiyey in siyaasadda Washington aysan is beddelin, islamarkaana ay weli ka go’an tahay taageeridda madaxbannaanida Soomaaliya.
Halka sidaas oo kale uu Mareykanka xaqiijiyay in xidhiidh wanaagsan oo shaqo uu kala dhexeeyo ‘Somaliland iyo maamul hoosaadyada kale ee uu kaashado, gaar ahaan kuwa ay ka mideysan yihiin la dagaallanka argagixisada, amniga, iyo danaha dhaqaalaha’.
Xidhiidhka Israa’iil iyo Somaliland
Disembar dhammaadkeedii 2025, markii Israa’iil, si lama filaan ah ugu dhawaaqday in ay aqoonsadeen Somaliland, waxaa ay dhalisay walaac gobolka ku baahay.
Soomaaliya ayaana xilligaas Golaha Ammaanka ka codsatay kulan degdeg ah oo ku aadan arrintan. Wuxuu Maraykanka xilligaas golaha ku eedeeyey ‘laba wajiilayn’.
‘Horraantii sannadkan, dalal badan, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan golaha, waxay qaateen go’aan keli ahaaneed (unilateral) oo ah inay aqoonsadaan dawlad Falastiin. Si kastaba ha ahaatee, la isuguma yeedhin wax kulan degdeg ah oo goluhu kaga hadlayo, arrintaas sida ay golaha ka dhex sheegtay Ambassador Tammy Bruce oo ah Kuxigeenka ergayga Maraykanka ee ku Metela Qaramada Midoobay.
Maraykanka xilligaas hal jawaab ayey ka bixiyeen aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.
“Israa’iil waxay xaq leedahay xidhiidhadeeda diblomaasiyadeed iyo cidda ay la samaynayso, sida dawlad kasta oo madaxbannaan u leedahay” ayaa ay BBC-da u sheegeen, Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanku.
Mareykanku waxa uu muddo dheer ahaa xulafada iyo saaxiibka ugu awoodda badan ee Israa’iil, tan iyo May 1948, markii uu noqday waddankii ugu horreeyay ee aqoonsada dowladdii cusbayd ee Israa’iil.
Sannadihii la soo dhaafay, Israa’iil waxay noqotay dalka ugu badan ee dunida ka hela gargaarka dibadeed ee militari ee Mareykanku bixiyo.
Taageerada diblomaasiyadeed ee xooggan ee Mareykanka, gaar ahaan gudaha Qaramada Midoobay, ayaa iyana ahayd qayb muhiim ah oo ka mid ah xulafnimada labada dal; halka madaxweynayaal Mareykan ah oo isdaba joog ah ay ku dedaaleen inay dhexdhexaadiyaan Israa’iil iyo deriskeeda Carabta
Maraykanka ayaa muddooyinkii u danbeeyey ku soo noqnoqonayey Somaliland, iyada oo sannadkii tegay ay dhawr jeer tageen masuuliyiin uu ugu sarreeyo Taliyaha Hawlgalka Afrika ee Maraykanka ee Africom, Gen. Dagvin Anderson.
Safarradan ayaana gaadhsiisnaa tegitaan uu ku tegay magalada Berbera bishii November ee sannadki 2025, xilli ay sii baahayaan wararka ku aaddan in Maraykanku danaynayo magaalada Berbera.
BBC-da oo arrintaas wax ka weydiisay weli wax jawaab ah kama aannu helin.
Halka dhanka kale, safar aan aad loo baahin xogtiisa uu Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland ku tegay Maraykanka, sida ay BBC-du xaqiijisay.
Saraakiil ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ah oo awood iyo saameyn muuqata ku leh Xisbiga haya talada Maraykanka, sida Tom Cruz, ayaa sida oo kale riixaya isla arrintan, iyaga oo marar kala duwan caddaystay taageeradooda ku aaddan in ‘Maraykanku aqoonsado Somaliland.
Waxaana sida oo kale masuuliyiintaa ka mid ah Kongareesman Scott Perry, kaas oo dhammaadkii sannadkii 2024 soo gudbiyay sharci soo jeedinaya in Mareykanku si rasmi ah u aqoonsado Somaliland.
Waxaana badi masuuliyiinta Maraykanka ee u janjeedha in dalkooda xidhiidh gaar la yeesho Somaliland ay ku doodaan goobta juqraafiyeed ee Somaliland dhacdo ”ay muhiim u tahay danaha Mareykanka ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Somaliland ayaana dhacda aafaafka hore marin biyoodyada Bab El Mandeb, oo ah surinka cidhiidhiga ah ee ay maraan ku dhowaad saddex meelood meel maraakiibta ganacsiga caalamka.
Doonista isa soo taraysay ayaana daba socota soo bixiddii Abril 2023 ee maanifestadii Jamhuuriga ee la magac baxday Project 2025, oo ahayd qorshe loogu talagalay madaxweynenimada labaad ee Trump, ayna diyaariyeen ururka Garabka Midig ee Heritage Foundation iyo in ka badan 100 hay’adood oo kale oo aragtiyaha asal raacaa u janjeedha.
Qorshahaas ayaana xusaya oo keliya laba dhul oo Afrika ka tirsan qaybtiisa uu kaga hadlayo Afrikada Saxaraha Ka Hoosaysa, Somaliland iyo Jabuuti — wuxuuna soo jeedinayaa ‘in la aqoonsado dowladnimada Somaliland si ay u noqoto caymis ka dhan ah hoos u dhaca booska istaraatijiyadeed ee Mareykanka ee Jabuuti.’






