Maraykanka oo ka hadlay sababta uu u baajiyay tababarka ciidan ee Berbera

U.S. Africa Command

Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horreysay ka hadashay sababta loo baajiyay tababar ciidan oo la qorsheeyay in lagu qabto magaalo xeebeedka Berbera ee Somaliland.

Tababarka ayaa qorshuhu ahaa in uu qabsoomo horraantii sanadkan iyada oo ay halkaas ku qaadan lahaayeen tababarka ciidamada Mareykanka ee howlgalka Africa. Waxa uu qeyb ka noqon lahaa taxane tababar oo balaaran oo ay ciidamada Mareykanku ku qaadan lahaayeen barriga Afrika, kaas oo ka dhici lahaa islamarkaasna ay qeyb ka noqon lahaayeen ciidamada dalalka Bostwana, Rwanda, Uganda, Kenya iyo Djibouti.

Saraakiil ka socota wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka ayaa booqday bishii Janaayo ee sanadkan magaalada Berbera halkaas oo loo qorsheeyay in ciidamada Mareykanka ay tababarka ku qaataan. Waxay booqdeen goobo loo asteeyay tababarka, iyaga oo sidoo kale la kulmay madaxda Somaliland. Laakiin tababarka oo la filayay in uu dhaco dhamaadka bishii February ayaa qabsoomin iyada oo saraakiisha wasaaradda arrimaha dibeda ee Mareykanka ay markii ugu horreysay BBC u faahfaahiyeen sababaha uu u baaqday tababarkaas.

Danjiraha shaqada ka tagaya ee Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Andre ayaa la xiriiriyay sababaha loo baajiyay tababarkaas colaada ka taagan Laascaanood ee u dhexeysa ciidamada Somaliland iyo dadka diidan inay maamulka Hargeysa. Colaadaas ayaa cirka isku shareertay horrantii sanadkan kadib markii odeyaasha dhaqanka ee deegaanka ay shaaciyeen in aysan qeyb ka noqonaynin maamulka Somaliland, iyaga oo dalbaday in ciidamada maamulkaas uu isaga baxo deegaankooda. Boqolaal dad ah ayaa ku geeriyooday dagaalka labada dhinac, iyada oo ay kumanaan kale na guryahooda ka qaxeen. Xabadjoojin dhowr jeer lagu dhawaaqay ayaa sidoo kale fashilantay iyada oo dedaalo dhex dhexaadin ah oo la waday na aysan weli waxba kasoo bixin.