Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in Shiinuhu uu sii daayay saddex qof oo Mareykan ah kadib markii labada ay is waydaarsadeen maxaabiis.

Waa maxaabiistii ugu dambeysay ee ku xiran Shiinaha ee ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanku ku dhawaaqdo in si sharci darro ah lagu xiray.

Ganacsade ka soo jeeda gobolka Texas oo lagu magacaabo Mark Swidan ayaa xirnaa tan iyo 2021-kii isagoo lagu eedeeyay ka ganacsiga daroogada.Halka labada kale oo kala Kai Li iyo John Leung lagu eedeeyay basaasnimo.

Sida ay sheegayaan wararka, sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Shiinaha, oo u xirnaa FBI-da Mareykanka ka dib markii lagu xiray weerar ay fulisay, ayaa la sii daayay.