
Mareykanka ayaa siinaya abaalmarin dhan 15 milyan oo dollar ciddii keenta xog ku saabsan saddex sarkaal oo sare oo ka tirsan ciidamada cirka iyo hawada sare ee Ilaalada Kacaanka Iran.
Magacyada waxaa ka mid ah Sareeye Guuto Cabdullah Mehrabi, oo madax ka ah waaxda cilmi-baarista iyo isku-filnaanshaha ee ciidamada cirka iyo hawada sare ee Ilaalada Kacaanka.
Qofka labaad waa Axmad Jafarabadi, oo lagu sheegay inuu yahay sarkaal sare oo mas’uul ka ah hawlgallada ciidamadaas. Si kastaba, bayaanka Mareykanka ma caddaynayo in magacaasi uu ula jeedo Sareeye Guuto Ali Jafarabadi, oo ah taliyaha hawada sare ee ciidamada Ilaalada Kacaanka, ama qof kale.
Magaca saddexaad waa Cali Asghar Norouzi, oo ah ku-xigeenka taliyaha u qaabilsan diyaar-garowga iyo taageerada ciidamada Ilaalada Kacaanka.
Mareykanka ayaa sidoo kale Talaadadii cunaqabateyn saaray 10 qof iyo hay’ado uu sheegay inay xiriir la leeyihiin Wasaaradda Difaaca Iran.
Tallaabooyinkan ayaa yimid xilli Mareykanku uu sii kordhinayo cunaqabateynta Iran, oo ay ku jiraan tallaabooyin lagu xaddidayo duulimaadyada caalamiga ah ee shirkadaha diyaaradaha Iran.





