Mareykanka oo u digay dadka heysta labada Baasaboor

Safaaradda Mareykanka ee Moscow ayaa ka digtay inay xaddidan tahay awooddeeda ah inay caawiso muwaadiniinta ku sugan Ruushka
Safaaradda Mareykanka ee Moscow ayaa ka digtay inay xaddidan tahay awooddeeda ah inay caawiso muwaadiniinta ku sugan Ruushka

Mareykanka ayaa uga digay muwaadiniintiisa labada dhalasho heysta in ay si deg deg ah uga soo baxaan dalka Ruushka isagoo ka cabsi qaba in si khaldan loo xiro si loogu qafaalo ka dibna si khasab ah looga qeybgeliyo dagaalka Ukraine.

Digniin dhanka safarka ah oo hor leh oo kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in laga yaabo in Ruushka uu diido in uu aqoonsado dadka heysta labada dhalasho ee Ruushka iyo Mareykanka.

Digniintu waxay intaa ku dartay in muwaadiniinta Maraykanka mar hore “la waraystay sabab la’aan isla markaana loo hanjabay”.

Saraakiisha Ruushka ayaa iska indho tiray la-talinta safarka ee Mareykanka ee la cusboonaysiiyay.

Ma kala cadda tirada muwaadiniinta Mareykanka ee u safraya ama ku nool Ruushka, Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa BBC u sheegay in aysan la socon socdaalka muwaadiniinta Mareykanka ee dibadda.

Ka dib duulaankii uu Ruushka ku qaaday Ukraine bishii February 2022, dhowr kun oo qof oo u dhalatay Mareykanka ayaa la sheegay inay ka carareen dalka Ruushka.

Digniinta safarka ee Mareykanka, waaxda arrimaha dibadda waxay sheegtay in kuwa weli ku sugan Ruushka ay la kulmaan suurtagalnimada “tacaddiyo iyo in la bartilmaameedsado”.

Dadka heysta labada baasaboor ee Mareykanka iyo Ruushka ayaa sidoo kale wajahaya in la askareeyo taasoo qayb ka ah abaabulka ballaaran ee militariga Ruushka si ay u taageeraan howlgallada Ukraine, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda.

“Ruushku waxa laga yaabaa inuu diido inuu aqoonsado laba dhalasho gaar ahaan midda Mareykanka, inuu u diido inay helaan inay adeegyo ka helaan qunsuliyada Maraykanka, in la abaabulo dadkaas, lagana hortago inay ka baxaan Ruushka ama inay askareeyaan,” sida ay sheegtay wasaaradda.

Tiro muwaadiniin Mareykan ah – oo ay ku jiraan shaqaale hore iyo kuwa hadda ku jira dowladda iyo ganacsato – ayaa mar horeba xabsiga la dhigay, waxaana la weydiyay su’aalo , waana la dhibaateeyay, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Dagaalka Ukraine

Waxaa laga yaabaa in laamaha amniga Ruushka ay ku guuldareystaan ​​in ay ogaysiiyaan safaarada Maraykanka xariga muwaadin Maraykan ah oo ay si aan macquul ahayn uga daahiyaan in uu caawimaad ka helo qunsuliyada Maraykanka” ayaa lagu yiri digniinta. “Laamaha amniga Ruushka waxay sare u qaadayaan fulinta howgallada sharci-darrada ah ee la xiriira sharciyada maxalliga ah si ay u beegsadaan hay’adaha ajnaaniibta ah iyo kuwa caalamiga ah oo ay u arkaan in aan loo baahnayn’.”

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Maraykanka uu marar badan soo saaray digniinno lamid ah ah kuwan, sida laga soo xigtay war qoraal ah oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Ruushka ee TASS.

“Ma ahan markii ugu horreysay ee aan maqalno digniintan,” ayuu yiri.

Digniintii ugu dambeysay ee Mareykanka uu jeediyay muwaadiniintiisa ee ku saabsaneyd inay isaga baxaan Ruushka ayaa timid bishii Sebtembar, markii mas’uuliyiinta Ruushka ay ku dhawaaqeen abaabul qeyb ka mid ah ciidamada keydka ah si ay uga qeybgalaan dagaalka Ukraine.

Marka laga soo tago Ruushka, wasaaradda arrimaha dibadda ayaa muwaadiniinta uga digtay inay u safraan ” 18 waddan oo kale oo ay ku jiraan Afgaanistaan, Suuriya, Haiti, Kuuriyada Waqooyi, Soomaaliya, Ukraine iyo Yemen.