
Maamulka Madaxweyne Donald Trump oo aan wax sharraxaad ah ka bixin, ayaa ku amray ku dhowaad 30 safiirro iyo diblomaasiyiin sar-sare oo kala joogay caalamka inay xilalka ka degaan oo ay dib ugu laabtaan Maraykanka.
Iyadoo la raacayo siyaasadda Trump ee “America First” diblomaasiyiintan ayaa lagu eedeeyey in aysan qeyb ka noqonin wax ka badalka xiriirka wadamadaas la leeyihiin maraykanka.
Ilo ku dhow go’aanka dowladda Maraykanka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ku dhowaad 30 diblomaasi qadka telefoonka loogu sheegay in ay ka iskaga soo tagaan wadanka ay joogaan, kuna laabtaan Washington, iyada oo aan wax sabab ah loo sheegin.
Dadka ay arrintani saameysay waxaa ka mid ah Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley, oo ah diblumaasi xirfadeed oo xafiiska la wareegay bishii May 2024.
Mas’uul ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa sheegay in diblomaasiyiinta loo sheegay inay ku noqdaan Washington oo ay raadsadaan xilal kale oo ka bannaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Liiska ay qortay AP ee dalalka laga soo saaray safiirrada iyo diblomaasiyiinta Maraykanka ayaa ka kooban 28 dal, iyada kala bar waddamaasi ay yihiin dalal Afrikaan ah.
Danjire Riley ayaa hoggaaminayay howlgalka Mareykanka xilli xasaasi ah, isagoo ka shaqeynayay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada amniga, dowladnimada, iyo horumarka. Muddadii uu xilka hayay waxa uu diiradda saaray la-shaqeynta hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya, taageeridda hannaanka dimuqraadiyadda, iyo xoojinta ballanqaadka Mareykanka ee xasilloonida Geeska Afrika.






