Markab saddexaad oo xammuul ah ayaa lagu weeraray Marin-biyoodka Hormuz

Khariidaddan UKMTO waxay muujinaysaa weerarkii ugu dambeeyay ee la soo sheegay oo lagu calaamadeeyay calaamada jaalaha ah ee bidixda. Labada weerar ee hore loo sheegay ayaa sidoo kale la calaamadeeyay

Markab saddexaad oo nooca xammuulka qaada ah ayaa waxaa ku dhacay “walax aan la garanayn”, sida ay sheegtay hay’adda ganacsiga badda ee UK (UKMTO).

Waxaa la sheegay in saacaddu markii ay ahayd 02:05 GMT in markabka lagu dhuftay waxaldaasi meel 93km waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Dubai, iyadoo shaqaalihii markabka la sheegay in ay bad qabaan oo aysan jirin wax saameyn ah oo dhanka deegaanka ah.

UKTMO ayaa goor sii horeysay sheegtay Arbacadii in markab lagu duqeeyay xeebaha Imaaraadka, markab kalena laga daad gureynayo kaddib markii weerar lagu qaaday waqooyiga dalka Cumaan.