Markab weyn oo qaada diyaaradaha dagaalka oo ku wajahan Bariga dhexe

Markab weyn oo nooca qaada diyaaradaha dagaalka oo Maraykan ah ayaa ku wajahan gobolka Bariga Dhexe.

Markabka diyaaradaha dagaalka ee USS George H.W. Bush oo ah saldhiga ciidan oo sabeeya badda ayaa qaada in ka badan 80 diyaaradood, waxaana uu qayb ka noqonayaan taliska dhexe ee Maraykanka ee Bariga Dhexe, sida ay ilo dhowr ah u sheegeen bahwadaagta BBC ee Maraykanka, CBS News.

Markabkan weyn iyo kooxda weerarka ayaa dhamaystay tababar horaantii Bishan, kahor inta aan la dirin, waxaana hadda suurtagal ah inuu ku biiro howlgalka Maraykanka ee ka dhan ah Iiraan . Dhankiisa, USS Ross ayaa isaga kasoo baxay Maraykanka toddobaadkan, inkasta oo aan weli la shaacin halka u uku wajahan yahay.