Sida ay Taliska Dhexe ee Mareykanka uu ku shaaciyey qoraal uu soo dhigay bogga X ‘Markabka Dagaalka ee USS Gerald Ford ayaa “sii wadi doono howlgalladiisa” Badda Cas, iyadoo ay sii socoto hubanti la’aanta ku saabsan xaaladda dagaalka iyo xabad joojinta u dhaxaysa Iiraan iyo Mareykanka.

Tan ayaa kusoo aadaysa, iyadoo saaka, dhowr warbaahin oo Mareykan ah oo ay ku jirto Washington Post, ay tebinayeen bilowga geeddi-socodka dib soo laabashada markabka Mareykanka ka dib markii uu dhammeeyay hawlgal dheer oo soconayey 10 bilood.