Nidaam kasta oo jira waxa uu ku burburi karaa, kuna dumaa marka ay arriman hoos ku qorane soo if-baxaan:-

1. Cadaalad darro baahsan.
2. Awoodda dadku wada leeyahay oo si xun/
khaldan loo adeegsado.
3. Dadka loo egmado talada dalka oo siday ayagu doonaan dadka iyo dalka ugu taliya.
4. Hantida ummadda oo si gaarahaaneed loo isticmaaloo, oo kolba ka talada dalka qabtaa intuu doono qaato.
5. Xaaraanta oo la xalaashado, layskuna ceebsan.
6. Fulin la’aan sharciga edbiya dadka aan ixtiraamin xeerarka dalka u dejisan, een Illaahay ka biqin, aadanahana ka xishoon.
7. Bulshada oo aan xil iska saarin illaalinta akhlaaq wanaaga.
8. Madaxda dalka oo isu qaata in ayaga loo shaqeeyo, iskuna xeera dad aan caqli iyo cilmi midna ku biirineyn, ishi mooye.
9. Dalka iyo dadka oo billaa qorshe lagu wado.
10. Siyaasada oo tafaqsi u dhurata.
11. Bulsho-weynta oo aan garan waxa ka dhaxeeya iyo waxay wada leeyihiin.
12. Marka madaxtooyada cidda fadhidaa aan sharci qaban cid qabataana jirin, maxkamad, Gole baarlamaan, Guurti, odayaal, aqoonyahano , salaadiin, cuqaal iwm.
13. Tala-yaqaanka oo tala-xumaalaha laga door bido.
14. Marka la waayo qof ehlu karam ah oo uu yimaado seben lays weydiin karo su’aashan: Allaysa fiinaa rajulun rashiid sidii reer wowmu luud!

Bal u fiirsada kuwa afka maamulka muddo xileedkiisi dhammaaday waxay ku hadlaan, waxay ay sameeyeen Golahii loo egmaday nabadanyta, walaalaynta, xalinta khilaafaadka kordhinta gacan ku rismiska ay ku kaceen.

Bal u fiirsada odayaashan, ururadan taageeraya sharci jebinta. Bal u fiirsada maxkadan dalkanugu saraysa ee Muuse Biixii, In Kaahin, iyo kuwa kale ee sacabka u tumaya u qeexi karin shuruucda iyo xeerka dakka u dejisan.

Bal u fiirsada xeerarakan seexaarada lagu riday iyo dadkan bilaysku iska xidhxidhayo ee aan ciddi iswaydiinayn yaa awoodda ay dad aan maxkamad la marin ku xidhxidhaan bilayska siiyey,

Our democracy has turned out to be a system in which a blind leads a blind. Divided into we and they, Somaliland will history!

By: Jamafalaag
Somaliland, Hargeysa

jamafalaag@gmail.com

Dhamaan maqaalada ku soo baxa shabakadani ma aha kuwo matalaaya shabakadani ee waa fikrada mid ka mid ah fikradaha akhristayaasha sida kor ku xusan