Hargeysa(Qaran news)-Marwada Musharraxa madaxweynaha Xisbiga WADDANI Marwo Farduus Maxamed Rooble ayaa kulan la qaadatay maamulka iyo taageerayaasha xisbiga ee degmada Maxamed Mooge.
Kulankaasi oo ujeeddadiisu ahayd kormeerka hawlaha xisbiga iyo dardar hawlaha u diyaar garowga doorashooyinka.
Kulanka waxaa ka qayb galay maamulka xisbiga ee gobolka Maroodijeex, maamulka xisbiga ee degmada Maxamed Mooge, masuuliyiin ka tirsan garabka haweenka heer qaran iyo madax kale.