Hargeysa,(Qaran news)-Marwadii Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamud Xaaji Ibraahim Cigaal, marwo Kaltuun Xaaji Daahir ayaa kolkii u horaysay tan iyo geeridii odaygeeda ka soo muuqatay saaxada siyaasadda Somaliland.

Marwo Kaltuun Xaaji Daahir ayaa maanta ka khudbadaysay beerta xorriyadda ee Hargaysa oo ay isugu soo baxii ugu balaadhnaa ay maanta ku soo bandhigeen xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.


Marwo Kaltuun oo ku jeeni qaaran isla markaasna sidata calanka xisbiga Waddani ayaa la hadashay kumaan kun oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga Waddani waxana ay sheegtay in ay hada tahay markii u horaysay ee ay fagaare noocani ah timaado tan iyo geeridii odaygeedii marxuum Cigaal, waxa ay sheegtay in ay maanta dhisayso musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ay taageersantahay