Wasiirka arrimaha dibadda Masar Badar
Abdelatty ayaa Sabtidii sheegay in barakaca Falastiiniyiinta uu ku tilmaamay mid iskaa wax u qabso ah ay tahay “wax aan macquul ahayn.”

Markii hore, Israa’iil waxay ugu baaqday dadka deggan magaalada Qasa inay u guuraan koonfurta, halka ciidamadeeduna ay u sii gudbeen aagga magaalada ee Gacanka.

Ciidamada Israa’iil ayaa todobaadyadii la soo dhaafay weeraro ku qaadayay xaafadaha ku yaala waqooyiga magaalada, kadib markii Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu amar ku bixiyay in ciidamada ay la wareegaan deegaankaasi.

Netanyahu ayaa sheegay in magaalada Qasa ay tahay xarun ay ku xooggan yihiin Xamaas, isla markaana ay xakameynayaan oo lagama maarmaanna tahay in laga adkaado mintidiinta Islaamiga ah ee Falastiiniyiinta, kuwaas oo weerarkooda ay ku qaadeen Israa’iil bishii Oktoobar 2023 uu dhaliyay dagaalka.

Bbcsomali